Baaritaanka kiiska kufsiga ee aas-aasaha WikiLeaks oo dib loo bilaabayo

Image

STOCKHOLM, Sweden – Xeer-ilaalinta guud ee dalka Sweden ayaa ku dhawaaqday in ay dib u fureyso baarista gal-dacwadeedka kufsiga ee ka dhanka ah aas-aasaha WikiLeaks.

Eva-Marie Persson, agaasimaha guud ee xafiiska dacwad-oogaha wadankaasi reer Yurub, ayaa sheegtay in sababtu ay tahay in ay suurtogal tahay caddeymo haatan la heli karo.

Sanadkii 2013-kii ayay ahayd markii ay dowladda Sweden hakisay baaritaanka kiiskaan markii uu wariye Julian Assange uu isu dhiibay safaarada Ecuador ee London.

Bishii hore ayay safaaradu kala noqotay magan-malyo siyaasadeed oo ay siisay Assange in ka badan tobban sano, taasi oo sahashay in uu galo gacmaha bileyska UK.

Persson oo hadalkeeda sii wadata ayaa ka codsatay Booliska Boqortooyada Britain in ay usoo gacan-geliyaan saxafigaan, oo haatan ku jiray xabsiga Belmarsh ee London.

Mareykanka ayaa aad u doon-doonaya Assange, kaasi oo dunida u soo bandhigay tacadiyo ay ciidamada dalkaasi ka geysteen meelo kamida bariga dhexe sida Ciraaq.

Kiiska kufsiga ee ka dhanka ah wariyahaan ayaa waxaa kusoo eedeeyay gabar kamid ahayd howlwadeenada shabakada siraha kashifta ee WikiLeaks.

Geesta kale, maamulka shabakadda WikiLeaks ayaa talaabada dowlada Sweden ku tilmaamtay mid siyaasaodeysan, oo lagu majaxaabinayo saxaafada xorta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM