Baarlamaanka Jordan oo la kala diray iyo xukuumada oo is-casileysa

Image

AMMAN, Jordan – Boqorka Cabadalaha majaraha u hayo waddanka Carbeed ee Jordan ayaa kala diray baarlamaanka, talaabo dhahaha u xaareysa in doorashooyinku dhacaan bisha November, sidda ay tabisay warbaahinta maxaliga.

Sidda uu xeerinayo dastuurka dalkaas, xukuumadda dhankeeda waa in ay isku-casisho todobaad gudahiisa si loosoo magacaabo Gole Wasiiro cusub.

Bishii Julaayo, guddiga doorashooyinka ayaa shaaciyey in 10-ka November ay dhaeyso doorashada markii boqortooada sheegtay in ay muhiim tahay in coddeynta ay ku dhacdo waqtigeeda marka waqtiga ka dhaco xeer-dejinta.

Go'aanka lagu kala diray baarlamaanka ayaa dhaqan-galay Axadii. Xubnaha sharci-dejinta oo ka kooban 130 badankooda waa kuwa taageersan dowladda kuna heeb ah, waa ganacsato maamuus badan leh iyo mas'uuliyiin xilal soo qabtay.

Sidda ay warisay Al Jazeera, go'aanka kala diritaanka waxaa soo dedejiyey markii waddanka uu dhaqaale burbur kala kulmay Covid-19 iyo musuqmaasuq.

Boqor Cabdala ayaa ra'iisul wasaare wuxuu 2018-ki u magacaabay Cumar Al-Razzaz si uu meesha uga saareyo banaanbaxyo culus oo sanado socday kuwaasoo ka dhashay koror canshuur oo loosoo rogay in IMF ay ka yareyso deyn.

Baarlamaanka Jordan wuxuu leeyahay awood balse sidda dalal badan waxay qabtaan waa iska yar-tahay maadaama ay ganacsato iyo eex ku yimaadeen.

Dastuuriyan, awooda ugu badan waa iska leh boqorka kaasoo soo magacaabaya xukuumadda isla markaana ansixinaya mudaneyaasha xeer-dejinta.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka wuxuu hoos-tagaa Ururka Ikhuwaanul Muslimiin, hase ahaatee, waxay wajahayaan dacwad sharci ah taasoo hoos u dhigtay isku-day walba oo ay kusoo bandhigi lahaayeen khaladaadka maamulka jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM