Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyey mooshin saameynaya Soomaaliya

Image

ANKARA, Turkey – Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyey mooshin ay u gudbisay Madaxtooyadda dalkaas kaasoo saameynaya Biyaha Soomaaliya.

Soo jeedinta oo ay mudaneyaasha meelmariyeen Arbacadii ayaa xeerinaya in muddo kordhin loo sameeyo ciidamadda ka jooga Gacanka Cadan, Biyaha Soomaaliya iyo Badda Carabta.

Muddo kordhinta ayaa dhamaan doonta 10-ka Febraayo 2021, sidda ku xusan warqadda ka timid xafiiska Recep Tayib Erdogan.

Markii ugu horeysay oo xeer-dejinta ansixiso waxay ahayd 2008-dii, tan iyo xiligaas waxaa la kordhiyey muddo 12-jeer ah.

Gacanka Cadan, oo ku dhow Yemen, iyo marinka afaraad ee ugu weyn saliida caalamka, oo la yiraahdo Bab el-Mandab Strait, waa wadada kaliya ee shidaalka loo mariyo Bariga Dhexe.

Badda Carabta iyo dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika ee Soomaaliya ayaa waxay muhiim u yihiin khaliijka iyo biyo-mareenkaas.

Tan iyo markii ay xafiiska timid dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Soomaaliya ayaa u dhoweyd Turkiga iyo Qadar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM