Bamb lagu weeraray masaajid ku yaal Addis Ababa

Image

12 December, 2015(GO)-Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhaawacantahay Bamb gacmeed lagu weeraray masaajid ku yaalla magalada Addis Ababa xarunta dalka Ethopia.

Weerarka ayaa lagu qaaday masaajidka Anwar oo ku yaalla xaafadda Markaato, wuxuuna dhacay saladii Jimcaha kadib.

Mas'uul ka tirsan dalkaasi ayaa xaqiijiyay, dhacdadaasi, waxayna tilmaameen inaysan jirin khasaaro kale oo u sababay Bambka lagu tuuray goobta cibaadada.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay qaraxan oo ku soo beegmay xilli Anwar ay ka socotay munaasabad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Riyaalka Iran oo Qiimo-dhac Taariikhi ah Wajahaya, $1 oo Dhaafay 2 Milyan oo Riyaal

Riyaalka ayaa Isniintii ku dhacay qiyaastii 2.02 milyan oo Riyaal halkii doollar, sida lagu sheegay xogta suuqa lacagaha aan rasmiga ahayn.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 01:02PM

Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza

Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:39AM