​Ban Ki Moon oo booqday qaxootiga Giriiga

Image
Image
Image
Image

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon, ayaa maanta booqday xero qaxooti oo ku taalla Jaziiradda Lesbor ee dalka Giriigga, wuxuuna u kuurgalayay xaaladda dadka halkaasi ku nool.

Mr Ban, ayaa sheegay inaysan wali harin dhibaatada haysata muhaajiriinta, wuxuuna dowladdaha waddamada Qaxootigu joogaan ka dalbaday in la ilaaliyo shuruucda caalamiga ah ee Qaxootiga isagoo soo jeediyay in si wanaagsan loola macaamilo.

Dalalka Yurub ayuu u soo jeediyay inaysan xudduudaha ka xiran qaxootiga islamarkaana soo dhaweyn u sameeyaan, isagoo ku baaqay in kaalin laga qaato sidii loo caawin lahaa dadka dhiban.

Dalka Gariiga ayaa noqday marinka ugu weyn ee ay isticmaalaan muhaajiriinta ka soo qaxaya colaadaha Suuriya iyo Ciraaq, kuwaasoo doonaya inay galaan dalalka Yurub.

Socdaalla Ban, ayaa kusoo beegmaysa xilli 20 bishan dunida ka dhici doono dabaal dagyo waaweyn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM