​Ban Ki-Moon oo tagay Burundi

Image

Xoghayaha Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Ban Ki-Moon, ayaa tagay dalka Burundi, isagoo qorshaynaya inuu ka qayb qaato dadaallada lagu soo afjarayo qalalaasaha waddankaasi kataagan tan iyo bishii April sannadkii hore. 

Ban iyo wafdigiisa, ayaa soo dhaweyn loogu sameeyay caasumadda Bujumbura, waxaana soo dhaweeyay madaxweyne ku-xigeenka labaad Gaston Sindimwo. 

Waxaa maanta la filayaa inuu kulamo la qaato hogaanka waddanka gaar ahaan Madaxweyne Peirre Nkurunziza, si uu uga qanciyo inuu ka qayb qaato xal laga gaaro muranka ka dhashay iclaaminta murashaxnimada doorashadiisa Burundi markii saddexaad. 

Boqolaal qof ayaa ku dhintay, in ka badan rubuc milyan qofna waxay ka barakaceen Burundi, ka dib rabshado ka dhashay go'aankii uu madaxweyne Pierre Nkurunziza ku gaaray bishii April.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma iyo afar hoggaamiye Afrikaan ah ayaa Burundi tagaya Khamiista, si cadaadis loo saaro Mr Nkurunziza. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM