Bandaw lagu soo rogay magaalo Maraykanka ku taala

Image

Xaalad dagdag ah iyo hal todobaad oo bandaw habeenkii ah ayaa lagaga dhawaaqay magaalada Baltimore si loo dajiyo mudaaharaadyada halkaasi ka taagan.

Qaar ka mid ah saraakiisha magaaladaasi ayaa sheegay in rabshadaha dhacay ay yihiin kuwii ugu darnaa tan iyo mudaaharaadyadii dabo socday shirqoolkii lagu dilay Martin Luther King, sanadkii kun sagaal boqol iyo lixdan iyo sideedii.

Duqa magaalada Baltimore, Stephanie Rawlings waxa ay cambaaraysay waxa ay ugu yeertay burcadda wax bililiqaysatay, wax burburiyay, dhismayaashana dabka qabadsiiyay kaddib aaskii Freddie Gray, oo ah shan iyo labaatan jir madaw Maraykan ah, kaas oo si xun ugu dhaawacmay saldhig booliis.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM