​Baroordiiq loo samaynayo kooxda shilka ku baaba'day

Image

Dadka reer Brazil ayaa maanta dhigaya tacsi xooggan oo ay ugu baroor diiqayaan kooxdooda ku baaba'day shilkii diyaaradeed ee shalay ka dhacday dalka Colombia.

Tobannaan kun oo qof ayaa waxay isugu tageen magaalada Chapeco ee koofurta Brazil.

Dadkan ayaa isugu tagi doona karoonka kooxda diyaaradda la burburtay.

Naadiga Chapecoense ayaa inta badan ciyaartoydeeda ku dhinteen shilka.

Taageerayaasha kooxda ayaa u lugeyn doona  garoonka si ay ugu duceeyaan kooxda baaba'day.

Cayaaryahannada dhintay, waxay u socdeen inay sii ciyaaraan kullankoodii ugu weynaa abid oo ah cayaarta kama dambaysta horyaalka Copa Shouth America.

Xiriirrada kubadda cagta caalamka iyo ciyaaryahanada caanka ah, ayaa ka tacsiyeynaya kooxdaasi musiibada ku dhacday.

Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, iyo ciyaaryahanada caanka ah intooda badan sida, Pele, waxa ay sheegeen in ciyaarayaha kubadda cagta ay tacsi weyn u taallo.

Waxaa sidoo kale arrintaas tacsi ka diray xidigaha reer Barcelona Lionel Messi iyo Neymar.

Dhacdadan ayaa aad loog dareemay qaaradda America, waxaana loo hakiyay koobkii ay ka qayb galayeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM