​Bashaar al-Asad oo guusha ciidankiisa soo dhaweeyay

Image

Madaxweynaha Syria Bashar Assad ayaa soo dhaweeyay guusha ay ciidanka dalkaasi ka gaareen dagaalka magaalada Xalab, halkaasi oo dhawaan laga saarey mucaaradka.

Madaxweyne Assad ayaa ku tilmaamay guusha dagaalka Xalab, mid usoo hoyatay dhammaan dalalka dagaalka kula jira Argagaxisada, sida laga soo xigtay TV-ga Qaranka Syria.

Bashar ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Ruushka kaalintii ay ka qaadatay howlgalka Mucaaradka looga saarey magaalada Xalab, ee waqooyiga Syria.

Assad ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibada Iran Hossein Jaberi Ansari, oo booqasho ku joogo magaalada Dimishiq, ee xarunta Syria.

Iran iyo Ruushka ayaa ka gacan siinayay dowladda Syria dagaalka ay kula jirto Mucaaradka oo soo billowday Bishii Maarso 2011.

Mucaaradka ayaa isaga baxay magaalada Xalab, waxaana ay kuu qaadatay ciidamada Syria inay la wareegeen 3 sano, oo ay socdeen dagaallo iyo duqeymo joogto ah oo dad badan ay ku dhinteen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM