Baxreyn oo yeelatay Ra'iisul Wasaare cusub kadib geerida mas'uulkii hore

Image

MANAMA, Baxreyn – Boqorka Baxreyn, Hamad bin Isa al-Khalifa, ayaa dhaxal-suge Salman bin Hamad al-Khalifa u magacaabay Ra'iisul Wasaaraha cusub ee waddankaas, sidda ay warisay warbaahinta dowladda.

Wakaaladda wararka dowlada Baxreyn ee BNA ayaa soo xigatay wareegto kasoo baxdey Boqorka taasoo si deg-deg ah ku dhaqan-galeysa.

Dhaxal-suge Salman ayaa bedelaya Sheikh bin Khalifa bin Salman al-Khalifa, ra'iisul wasaarihii hore, kaasoo ku dhintay Mareykanka.

"Munaasabada duugta waxay dhaceysaa marka meydkiisa lasoo dejiyey iyaddoo dad kooban oo ehelke ay ka qeybgeli doonan," ayay BNA raacisay.

Sidda ku xusan warbixinta, mudo todobaad ah ayay socon doontaa Aaska marxuumka, iyaddoo calankana hoos loo dhigi doono isla markaana saddex maalmood oo Khamiista ka bilaabaneyso la fasaxay shaqaalaha.

Amiir Khalifa oo ahaa Ra'iisul Wasaarihii ugu xilheynta dheeraa aduunka, ayaa ku dhintay da'da 84-jir. Bishii November, 24-teeda, 1935-tii ayuu dhashay.

Mas'uulka geeriyooday ayaa xilkaas qabtay 1970-kii kadib markii Baxreyn ay xorriyadeeda kala soo noqotay waddanka Ingiriirka sanadkii 1971-dii. Wuxuu madax kasoo noqdey Goleyaasha Sarre ee Dowladda iyo Difaaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM