BBC oo cabasho u gudbisay Djibouti

Image

BBC ayaa warqad cabasho ah u qortay dowladda Djibouti oo ay uga codsanayso inay sheegto sababta ay u soo musaafurisay koox weriyayaal ah oo BBC-da ka tirsan.

Kooxdani, oo uu ka mid ahaa weriyaha BBC-da ee arrimaha ammaanka ee Africa, Tomi Oladipo, ayaa Djibouti u tegay inay diyaariyaan warar la xiriira doorashooyinka halkaasi ka socda. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii afaraad u tartamaya jagada madaxweynaha Djibouti.

Kooxdan ayaa waxaa fasaxay agaasimaha warbaahinta ee dalka Djibouti oo u oggolaaday inay ka soo warramaan dalkaasi, sida lagu xusay warsaxaafadeed ay soo saartay BBC-da. 

Kooxdan ayaa wareysi la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda Djibouti, Maxamuud Cali Yusuf, iyo musharraxa mucaaradka, Cumar Cilmi Kheyre, kaddibna waxaa xiray rag ka tirsan ciidanka ammaanka oo xirnaa lebiska rayidka. 

Kooxdan ayaa habeenkii oo dhan la haystay, iyagoo aan loo oggolaanin inay wax xiriir ah sameeyaan, kaddibna, diyaarad ayaa la soo saaray oo dalka ayaa laga soo musaafuriyay, iyadoo aan loo sheegin sababta.

Xigasho: BBC

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM