​Biden oo doonaya inuu yareeyo tuhunka Turkigu ka qabo Gulen

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ANKARA, Turkey- Madaxweyne ku-xigeenka dalka Turkiga Joe Biden ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay waddanka Turkiga kadib markii uu Arbacadii ballan qaaday in xukuumadda Washington samayn doonto wax kasta oo cadaaladda lagu horkeenayo shakhsiyaadkii ka dambeeyay Afgambigii fashilmay ee dalkaas ka dhacay 15 July, 2016.

Biden ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxweyne Edogan iyo Ra'isal wasaare Binali Yıldırım, waxaan dooda uga badan ka taagnayd wadaadka baxsadka  ahaa ilaa 1999-kii kaaso madaxda Turkigu Maraykanka ku eedeeyeen inuu ku qanacsanaa Inqilaabkii dhacay maadama uusan ilaa hadda ka jaabin codsigii loo gudbiyay.

Bidenka booqashada ku jooga Ankara ayaa sheegay in saraakiil Maraykan ah ka shaqayn doonaan baaris lagu sameeyo kiiskii dhacay isagoo intaasi raaciyay in soo gacan galinta wadaadka la tuhunsanyahay aysan awood u lahay dowladdu balse arrintaasi lagala hadli doono Maxkamadda Maraykanka.

Wuxuu intaasi raaciyay in khabiiradoodu ku howllanyihii sidii loo uruurin lahaa caddaymaha la rabo in la horgeeyo xeer beegtida dalkaasi.

Ra'ilsa wasaaraha Turkiga Binali Yıldırım, oo shir jaraa'id ku wehelinayay Biden ayaa soo hadal qaaday dagaalka lagula jira ISIS iyo sida xukuumaddiisu uga xuntahay jawaabta Maraykanku ka bixiyay Afgambigii dhacay isagoo sheegay in xiriirka labada waddan sii xoogaysan doono marka gacanta loo soo galiyo Fethullah Gulen.

Yıldırım, ayaa intaasi raaciyay inaysan ka niyad jabi doonin sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa shakhsiga loo aanaynayo Inqilaabkii dalkaasi ka dhacay.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Erdogan ayaa isna qaabilay Biden waloow uu muujiyay dareen aan farxadi ku dheehnayn, wuxuuna sheegay mar uu ka hadlayay tallaabada ay xaaqada dowladda uu hogaamiyo Obama, wuxuuna Gulen dusha uga tuuray dambigii lagu dilay 241 ruux oo shacab ah iyo damacii lagu weeraray inta taangiyo la qaatay xaruma dowladda, wuxuuna wacad ku maray inaysan cafin doonin.

Xiisad siyaasadeed ayaa ka dhex qaraxday Turkiga iyo Maraykanka kadib markii ay xukuumadda Washington kajawaabi weyday dalabka Gulen loogu gacan galin lakaa xukuumadda Ankara.

GAROWEONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM