Biden oo mar kale digniin adag siiyay Putin

Image

Aqalka Cad ayaa sheegay, in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Sabtidii shalay u sheegay dhiggiisa Russia Vladimir Putin in duullaan uu Ruushku ku qaado Ukraine uu sababi doono “Dhibaato baahsan oo soo gaarto aadanaha”.

Biden ayaa sidoo kale Putin u sheegay in Galbeedka ay ka go’antahay in xasaraddan lagu dhammeeyo dariiqa diblomaasiyadda, laakin si taasi la mid ah ay ugu diyaar garoobeen xaaladaha kale.

Aqalka Cad ma bixin faahfaahin ku aadan, in wadahadalkiui khadka telefoonka ku dhexmaray shalay Biden iyo Putin ee qaatay muddada saacadda aheyd uu hoos u dhigi karo halista dagaal ay suurtagal tahay inuu ka qarxo Yurub.

Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka iyo xulufadiisa ay jawaab deg deg ah oo kama danbeys ah bixin doonaan isla markaana cuna-qabateyn adag oo cawaaqib xumi ka dhalan doono kusoo rogi doonaan, haddii ay Moscow ka dhabeyso weerarka ay rabto in ay ku qaaddo dalka deriska la ah ee Ukraine.

Dhanka kalana, in ka badan 10 waddan ayaa ugu ugu baaqay muwaadiniinta ka joogta Ukraine, in ay si deg deg ah uga baxaan, sababo la xiriira suurtagalnimada dagaal daqiiqad walba ka billaaban kara Ukraine.

Dalalkaasi waxaa ka mid ah Mareykanka, Canada, Ingiriiska, Jarmalka, Australia, Japan, Netherlands, Talyaaniga iyo Israel.

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM