Biden oo mar kale digniin adag siiyay Putin

Image

Aqalka Cad ayaa sheegay, in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Sabtidii shalay u sheegay dhiggiisa Russia Vladimir Putin in duullaan uu Ruushku ku qaado Ukraine uu sababi doono “Dhibaato baahsan oo soo gaarto aadanaha”.

Biden ayaa sidoo kale Putin u sheegay in Galbeedka ay ka go’antahay in xasaraddan lagu dhammeeyo dariiqa diblomaasiyadda, laakin si taasi la mid ah ay ugu diyaar garoobeen xaaladaha kale.

Aqalka Cad ma bixin faahfaahin ku aadan, in wadahadalkiui khadka telefoonka ku dhexmaray shalay Biden iyo Putin ee qaatay muddada saacadda aheyd uu hoos u dhigi karo halista dagaal ay suurtagal tahay inuu ka qarxo Yurub.

Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka iyo xulufadiisa ay jawaab deg deg ah oo kama danbeys ah bixin doonaan isla markaana cuna-qabateyn adag oo cawaaqib xumi ka dhalan doono kusoo rogi doonaan, haddii ay Moscow ka dhabeyso weerarka ay rabto in ay ku qaaddo dalka deriska la ah ee Ukraine.

Dhanka kalana, in ka badan 10 waddan ayaa ugu ugu baaqay muwaadiniinta ka joogta Ukraine, in ay si deg deg ah uga baxaan, sababo la xiriira suurtagalnimada dagaal daqiiqad walba ka billaaban kara Ukraine.

Dalalkaasi waxaa ka mid ah Mareykanka, Canada, Ingiriiska, Jarmalka, Australia, Japan, Netherlands, Talyaaniga iyo Israel.

Related Articles

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM

Iran oo Maraykanka Ka Dalbatay Inuu Ka Qaado Cunaqabateynta Dhaqaale

Labada dhinac ayaa todobaadyo badan waday wadahadallo adag oo la xiriira barnaamijka nukliyeerka.

  • Caalamka

    02-06-2025

  • 01:19PM