Biden oo shuruud ku xiray in uu la doodo Trump-ka Covid-19 qaadey

Image

WASHINGTON, US – Murashax xisbiga dimuqraadiga waddanka Mareykanka ee Joe Biden ayaa si furan uga hadlay hadii Donald Trump-ka laga helay safmareenka Coronavirus uu kala qeybgeli doono dooda kale ee soo aadan.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Jimcadii waxaa isbitaal loo dhigay xaalad la xiriira xanuunkaas, wallow ay soo baxayaan warar xusaya in uu fiicnaanayo.

Biden ayaa si cad u sheegay in uu la doodi doono Trump hadii xeel-dheereyaasha dhanka caafimaad ay ku wargeliyaan in uu badbaado heli doono.

Fariin uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu Trump ku sheegay in uu isbitaalka ka bixi doono maadaama uu dareemayo soo kabasho.

"Haka baqin Covid hana u ogolaan in uu hogaamiyo noloshooda," ayuu ku yiri fariintiisa oo uu ku caddeeyay in uu Isniinta faarujinayo isbitaalka.

Saraakiisha caafimaadka Trump ayaa isku dayaya in uusan cudurka saameyn ololaha dib u doorashada madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo.

Trump ayaa caabuqa uu soo ritay maalmo kadib markii uu la doodey Biden, talaabadaas oo walaac ku abuurtay Biden kaasoo dhankiisa laga waayey xanuunka Axadii ka gedaal markii uu maray baaritaan kadib markii lagu taliyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM