Bileyska Paris oo lagu dhaliilay fal ay kula kaceen qaxooti Soomaali ah

Image
Image
Image

PARIS, France – Dowladda Faransiiska ayaa ku amartey booliska caasimadda Paris in ay sharaxaad ka bixiyaan saraakiil muuqaal laga duubay iyagoo qaxooti ay Soomaali ku jiraan si xoog ah uga saaraya xero ay deganaayeen.

Hay'addaha samafalka ayaa Talaadadii bilaabay in ay ka shaqeeyaan sidii ay hoy ku meelgaar ah u siin lahaayeen qaxootiga habeenimadii Isniinta laga baraciyey xerada Place de la Republique oo ku taala bariga magaala madaxda.

Muuqaalada oo ay duubeen wariyeyaal iyo dadyow kale ayaa muujiyey saraakiil bileys kuwaasoo qaxootiga si qasab ah uga saaraya teendhooyinka ay ku jiraan isla markaana qaarka kasoo horjeesta laadaya ama garaacaya.

Gerald Darmanin, oo ah wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka wuxuu ku cambaareeyay falkaas, isagoo xusay in uu faray taliska booliska in ay warbixin soo gudbiyaan.

Taliska Booliska oo qoraal kooban soo saarey ayaa intaas ku daray in daad-gureynta qaxootiga ay salka ku hayso in ay deganaayeen goobo sharci darro ah isla markaana aysan jirin cid ay ogolaanshiyo uga qaateen meesha ay dageen.

Ururka Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa ka dhawaajiyey in uu daaweeyay qaxooti ku dhaawacmay dhacdadan.

Qaxootigan oo kasoo kala jeeda wadamadda kala ah; Soomaaliya, Afghanistan iyo Eritrea ayaa waxaa la sheegay in ay isugu jiraan qaar loo diidey dalabka magan-galya-doonimo, iyo tirro kale oo ogolaanshiyo rasmi ah haystay.

Faransiiska ayaa kamid ah wadamada lagu tiriyo in aysan si wacan ula macaamilin soo-galootiga, waxaana dowladda uga degan siyaasad adag taasoo dhabaha u xaartey in aan lasoo dhaweyn qaxooti cusub, kuwii hore lagu tacadiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM