Blatter oo ol'ole nacayb ah ku eedeeyay Yurub

Image

Madaxwaynaha Fifa Sepp Blatter ayaa dhaleeceeyay waxa uu ugu yeeray ol'olaha nacaybka ku salaysan ee ay kula kaceen saraakiisha reer Yurub.

Waxa uu sheegay in uu aad ula yaabay hadalada ka soo yeeray dacwad oogayaasha Maraykanka kaddib markii la xiray saraakiisha Fifa, iyada oo uu Maraykanku u soo jaray waraaq lagu xirayo iyaga oo musuqmaasuq loo haysto.

79 jirka reer Switzerland waxaa dib loo soo doortay jimcihii oo uu qabsoomay shirwaynihii xiriirka kubadda cagta ee Fifa.

Boqor Bin Cali Xuseen oo reer Jordan ah ayaa Blatter ku qasbay wareeg labaad in loo galo doorashada kaddib markii uu heli waayay 140 kii looga baahnaa isaga oo helay 133 boqor Calina uu helay 73 cod.

Laakiin Bin Cali ayaa go'aansaday in uusan mar saddexaad is sharixin.

Madaxwaynaha xiriirka kubadda cagta ee Uefa, Michel Platini ayaa ku baaqay in Blatter uu is casilo.

Blatter ayaa arrintaas ku tilmaamay mid ula kac ah oo doorashada lagu soo beegay.

Blatter waxa uu muujiyay kalsoonida uu ku qabo in ururkaasi uu ka saari karo qalalaasaha uu hadda ku jiro.

Waxa uu sheegay in gudiga fulinta ee FIFA uu haddaba ka shiray dhibaatadda ururka haysata.

XIGASHO:BBC

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM