Magdhow la siinayo qoyska dadkooda ku dhintay shilalka diyaarada Boeing

Image

WASHINGTON - Shirkadda Boeing ayaa shaacisay inay bixin doonto $100 million si loogu caawiyo qoysaska iyo ehelada dadkii ay jeclaayeen ku waayay shilalkii diyaaradeed ee ka kala dhacay dalalka Indonesia iyo Ethiopia.

Lacagta ayaa lagu taageeri doonaa waxbarashada, qarashka nolol-maalmeedka qoysaska iyo in lagu daboolo baahiyaha bulshada saameyeen shilalkii Lion Air Flight 610 iyo Ethiopian Airlines Flight 302.

Boeing ayaa sheegtay in ay la kaashan doonto dowladaha hoose iyo hay’adaha maxaliga fulinta mashaariicda lagu caawinayo dadkan, oo ku nool degaanno ku yaalla dalalka Indonesia iyo Ethiopia.

Lacagtan ayaa ah mid ay iska soo aruuriyeen shaqaalaha Shirkadda oo lagu taageerayo qoysaska dhibaatada ku dhacday, waxaana la gaarsiin doonaa yabooha bisha December ee sanadkan 2019.

“Boeing waxay ka xun tahay rakaabkii ku geeriyoodey shilalka diyaaradeed, taasi oo aan illoobi doonin. Qoysaska dadkooda ku waayay waxaan la wadaageynaa murugada,” ayuu yiri Dennis Muilenburg, gudoomiyaha Shirkadda.

Dennis Muilenburg ayaa intaasi ku daray inay Shirkadda Boeing ka shaqeynayso sidii ay dib ugu hanan lahayd kalsoonida macaamiishada, isticmaala diyaaradaha ay soo saarto kadib shilalkii dhawaan dhacay.

Shirkaddo badan ayaa joojisay isticmaalka diyaaradaha Boeing, gaar ahaan Boeing 737 MAX 8 kadib markii mudo u dhaxaysa shan bilood ay ku burbureen Indonesia iyo Ethiopia, iyadoo ay ku dhinteen shilalkaasi boqolaal qof oo mas’uuliyiin ay ku jireen.

Boeing oo laga leeyahay Mareykanka ayaa mudo kooban sanadkan gudihiisa soo gaartey khasaaro lagu qiimeeyay $1 billion, kadib markii shirkadihii macaamiisheeda ahaa ay dejiyeen diyaaradaheeda 737 Max 8.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo Sheegay in Ruushka uu Bartilmaameedsanayo Ciidamada Reer Galbeedka Haddii La Geeyo Ukraine

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii in ka badan 20 waddan oo reer galbeed ah ay ballanqaadeen inay taageeri doonaan Ukraine.

  • Caalamka

    06-09-2025

  • 11:18AM

Shiinaha iyo Waqooyiga Kuuriya oo Ballanqaaday Xiriir Adag iyo Iskaashi Cusub

Kim Jong Un ayaa ka dhoofay Beijing fiidkii Khamiista isagoo dib ugu laabtay dalkiisa kadib kulan gaar ah oo uu la qaatay Xi Jinping.

  • Caalamka

    06-09-2025

  • 09:11AM