Booliska Kenya oo qabtey sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab

Image

May 17, 2015 (GO)- Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay qabteen sarkaal ka tirsan ururka Al-shabaab.

Taliyaha Booliska Mombasa Robert Kitur ayaa u sheegay war-baahinta in ninkan oo da'diisu 45-jir tahay lagu magacaabo Cabdalla Saalim Bindo.

Dembiyada ninkan lagu soo eedeeyey waxaa kamid ah inuu  Al-Shabaab ka caawin jiray dhaqaalaha iyo qorista dhallinyarada Kenyanka ah ee ku biiraya Al-shabaab.

Dowladda Kenya ayaa xirxirtey tobannaan qof oo laga shekiyey, laga soo bilaabo weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee Al-shabaab la beegsatey Jaamacadda Gaarisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM