Booliska oo xabsiga dhigay wiil la dhashay madaxweyne hore

Image
Image

ALGIERS, Algeria – Booliska dalka Algeria lagu waramayaa in kadib howlgal ay sameeyeen ay kusoo xireen wiil ka dhashay madaxweynihii hore ee dalkaasi, Cabdicasiis Butafliikha.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, sidoo kale waxaa xabsi la dhigay laba sarkaal oo kamid ahaa sirdoonka wadankaasi Carbeed.

Xariga raggaan oo aad ugu dhowaa Butafliiqa ayaa lala xiriirinayaa baaritaano ku socday mudooyinkii dambe dhaqdhaqaaqooda.

Butafliikha ayaa is-casilay horaantii sanadkaan markii ay gil-gileen dalkaasi dibad-baxyo looga soo horjeedo maamulkiisa.

Hogaamiyahaan 82-jirka ah ayaa wadankaasi xukumayey tan iyo markii uu inqilaab milatari uu xukunka kula wareegay sanadkii 1991-dii.

Balse waxa uu kamid ahaa laba kamid madaxda Carbeed ee galaaftay mudaaharaadyo iyada oo uu ku xigay Cumar Al Bashiir, madaxweynihii Suudaan.

Qabashada walaalka Butafliikha iyo laba sarkaal ayaa imaanaya iyada oo ay haatan xiran yihiin saraakiil kale oo lagu eedeeyay in ay abaabulayaan dibin-daabin ka dhan ah ciidamada iyo shacabka wadankaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM