Boqor u diiday Gabar la dhalatay in ay u tartanto xilka Ra’iisul Wasaare

Image

Maha Vajiralongkorn, boqorka dalka Thailand ayaa ka hor-istaagay Gabar la dhalatay in ay u tartanto xilka ra’iisul wasaaraha dalkaasi, oo loo tartamayo bisha Maarso ee sanadkaan 2019.

Amiir Ubolratana Rajakanya, oo 67-sano jir ah, kana tirsan xisbiga Thai Raksa Chart, ayaa todobaadkii hore si lama filaan ah ugu dhawaaqday damaca uga jira jagadaasi, balse ay muuqato inaanu heli karin.

Boqor Maha ayaa sheegaya in musharaxnimada walaashiisa ay tahay mid aanan habooneen, isaga oo tibaaxay inaanu u qalmin xilkaasi.

Guddiga doorashooyinka qaranka ee Thailand ayaa ku tartarsiiyay Amiirada in ay waajib ku tahay inaanu ku dhex-milmin siyaasada, oo ay ka sareyso maqaamka ay haysato oo ah Boqortooyo.

Sharciga u degan Thai ayaa xeerinaya in xubin ka tirsan qoyska Boqortooyada aanu u tartami karin jago siyaasadeed, iyada oo war kasoo baxay qoyska lagu ayiday go’aanka Guddiga doorashooyinka.

Prayut Chan-o-Cha, oo xukunka ku qabsaday afgambi, balse noqday ra’iisul wasaare ayaa mar kale iclaamiyay inuu musharax yahay doorashada qabsoomeysa 24-ka bishaan oo si wayn isha loogu hayo.

Thailand oo ah dal ku yaalla Koonfur-Bari ee qaarada Aasiya ayaa kamid ah wadamada ay wali ku dambeyso Boqortooyanimada, oo ah nidaam kasii daba go'aya dunida, balse lagu soo dhaqmi jiray sanado kahor.

Related Articles

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM