Boqorka Jordan oo la-taliyihiisa ka dhigay Ra'iisul Wasaare

Image

Boqorka Jordan ayaa shalay diblomaasi rug-caddaa ah u magacaabey xilka Ra’iisul Wasaaraha, maalmo kadib markii uu is-casilay Cumar Al-Razzaz, sida ay sheegtay Madaxtooyadda.

Bisher Al-Khasawneh, oo tan iyo sanadkii tagey ahaa la-taliyaha boqor Cabdalla ayaa laga sugayaa inuu soo dhiso Xukuumad tayo leh, oo wax ka qaban karta dhibaatooyinka ka jira Jordan xilligan.

Magacaabistiisa ayaa timid kadib markii boqorka kala diray Baarlamanka Sept. 27, taasoo soo afjartay mudo-xileedkii Xukuumadii hore, oo dastuurka ku qasabayo inay isku-casisho todobaad gudihiisa.

Al-Khasawneh waxaa sidoo kale looga fadhiyaa inuu qabto doorasho baarlamaani ah November 10, iyadoo la saadaalinayo in Xisbiga talada hayo uu heli dooni kuraasta ugu badan gollha sharci dejinta.

Jordan ama Urdun qofka sida uu u yaqaano waxay wajahaysaa caqabado waawayn xilligan, kuwaasoo ay kamid yihiin COVID-19 iyo dhibaatooyin dhaqaale.

Dhaqaalaha dalka ayaa la filayaa inuu hoos u dhaco sanadkan 6%, waxaana lagu tilmaamay xaaladda hadda ka jirta midii ugu xumayd, iyadoo shaqo la’aanta iyo sabool-tinimada gaareen heerkii ugu hooseeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM