Boqorka Sacuudiga oo wiilkiisa xil sarre uga magacaabey xukuumada

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan, ayaa wiilkiisa, Cabdicasiis, waxa uu u magacaabay Wasiirka Tamarta wadankaas.

Jagadaasi ayaa kamid ah kuwa ugu muhiimsan qarankaas Carbeed, sidda laga soo xigtay warbaahinta ku hadasha dowladda

Wasiirka cusub ee Tamarta ayaa waxa ay walaalo yihiin Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan.

Magacaabida ayaa waxaa Axada maanta ah si rasmi ah ugu dhawaaqday Wakaalada wararka u faafisa Sacuudiga.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo dowladdu shaacisay in ay u baahan tahay kobac dhaqaale oo ay ku saleyso wax soo saarka Shidaalka.

Waa markii ugu horeysay oo qoyska majaraha u haya Sacuudiga ee Al Sacuudi ay qabtaan xilka xasaanadda leh ee Wasaarada Tamarta.

Amiir Cabdicasiis oo waayo aragnimo badan u leh dhanka Tamarta ayaa markii uu 20-jir ah wuxuu lataliye u ahaa Wasiirka Tamarta, sanadkii 1985-tii.

Sanadkii 1995-tii ayaa waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka Tamarta, booskaasi oo uu hayey ku dhowaad tobban sano.

Jamaacadda Fahd ayuu ka bartay culuumka Batroolka iyo Macdanta. 2017-kii caawiye ayuu u ahaa Wasiirka Tamarta markaasi oo wasiiru dowle laga dhigay.

Isaga oo bedelaya Khalid al-Falih, oo dhowaan laga saarey guddiga sare ee shirkada shidaalka dowladdu maamusho, lagama filayo in uu wax isbedel ah ku sameeyo siyaasadda Shidaalka dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM