​Boqorkii Thailand oo geeriyooday

Image

Boqortooyada waddanka Thailand ayaa shaacisay inuu geeriyooday Bhumibol Adulyadej oo aha a Boqorkii dalkaas kasoo arriminayay mudada dheeer.

Bhumibol Adulyadej, ayaa ku geeriyooday da'da 88 sano, wuxuuna u dhintay xanuun hayay muddo sanooyin ah.

Wuxuu ahaa ninkii ugu xukunka dheeraa ee dalkaasi soo maray, wuxuuna talada Boqortooyada la wareegay 1946-dii.

Dadka reer Thailand, ayaa hogaamiyahan aad uga dambeeyay, waxayna u arkayeen inuu mideeyay shucuubta ku dhaqan dalkaas.

Waxaa jirta cabsi ah in dhimashadiisa waddankan oo milatari ka taliyo u keento deganaansho la'aan.

Boqortooyada ayaa Axaddii ka digtay in caafimaadka ninka oo u muuqatay mid aan wanaagsanayn, waxaana boqolaal qof isugu soo baxday cisbitaalka lagu daweynayay boqorka.

Sharciyo adag ayaa u yaalla dalka Thailand, sharciyadaasi oo mamnuuc ka dhigayo in dadweynaha ay ka hadlaan cidiii badali lahayd boqorka geeriyooday.

Boqor Bhumibol, oo ku dhashay gobolka Massachusetts ee dalka Mraykanka ayaa boqortooyada wuxuu la wareegay, 9 June 1946 ka dib markii walaalkii boqor Ananda Mahidol, uu dhintay.

Dhimashada boqorka ayaa timid iaydoo dalkaasi uu wali ku jira xukun milatari oo yimid ka dib agfembigii dhacay sanaddii 2014-kii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo afar maalmood hakisay xarun koronto oo Britain ku taalla kadib weerar dhanka internet-ka ah

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay dhacday xilli weerarro kale oo dhanka internetka ah lagu qaaday kaabayaasha biyaha ee Mareykanka.

  • Caalamka

    23-08-2026

  • 05:41AM

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM