​Brazil: Cudurka Zika oo halistiisa laga digay

Image

Baaq xoogan ayay soo saareen kooxaha caafimaadka dalka Brazil, waxayna ka digeen halista cudurka Zika, kaasi oo si xawli ah ugu faafaya guud ahaan waddankaasi.

Waxaa lagu baaqay in la joojiyo cayaaraha Olombikada dalkaasi, iyadoo laga cabsi qabo inuu sii fido cudurkan kaneecada ka dhasha.

Magaalada caasimadda ah ee Rio De Jinerio, ayaa kooxaha caafimaadku ku baaqeen in laga wareejiyo tartanka lagu qabanayo.

Balse, arrintan waxaa ka hadlay guddiga cayaaraha waddanka Brazil, waxayna ku gacan sayreen baaqa loo soo jeediyay iyagoo xusay inay macquul ahayn baajinta tartanka Olombikada.

Baaqan, ayaa kusoo beegmay xilli si aad ah ugu faafay dalkaasi cudurka Zika oo Virus ka dhasha kanecada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM