Britain oo ku dhawaaqday wasiiro qaabilsan qaxootiga

Image

14 September, 2015(GO)-Ra'isal wasaaraha dalka Britain David Cameron ayaa booqday xero qaxooti ku taalla dalka Lebnon.

Qorshaha Cameron ee dalkaasi ayaa salka ku haya indha-indheynta xaaladda malaayiin qaxooti ku sugan dalkaasi.

Britain ayaa bixisay in kabadan hal iyo bar bilyan oo dollar si loo caawiyo muhaajiriinta Suuriya ee ka soo qaxaya colaadda ka taagan waddankaasi.

Lacagta waxaa loogu tala galay sidii loo hakin lahaa xaddiga barakacayaasha imaanaya qaaradda Yurub, waxaa David Cameroon ku dhawaaqay wasiiro cusub oo qaabilsanaan doona qaxootiga.

Mr Cameron oo ka hadlayay xerada Bekaa Valley  oo ay ku jiraan qaxooti Suuriyaan ah, waxa uu sheegay in lacagta Britishku badbaadisay boqolaal kun oo reer Suuriya ah, kuwaasi oo u haajiri lahaa Qaaradda Yurub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM