Cabasho laga gudbinayo Cabdiweli Muudey [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in cabasho ka dhan ah Ku xigeenka Afhayeenka koowaad ee Gollaha Shacabka, Cabdiweli Ibraahim Muudey ay u gudbin doonan gudoonka Aqalka Hoose.

Xildhibaanada ayaa tibaaxay in ashtakooda ay salka ku hayso “in Muudey aanu Sharci-dejiyaashi u ogolaanin inay cabiraan oraahdooda marka uu isaga hayo shir gudoonka, oo ay shalay ugu dambeysay”.

“Muudey wuxuu sameeyay falal xeerka Gollaha baalmarsan….Wuxuu umeelyaa meel uu isaga iska leeyahay oo uu fekerkiisaku ku maamulayo, taasina ma shaqayneyso, Gudoomiyaha ayaan cabasho uga gudbin doonaa,” ayay ku doodeen.

Xildhibaan C/qaadir Cali Cosoble oo kamid ah sharci-dejiyaasha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inuu isbedal ku yimaado hab-dhaqanka shir gudoominta Muudey oo ay si adag u dhaleeceeyeen.

Afhayeenka Aqalka Hoose ee Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa dalka ka maqan xili la rajaynayo inuu kusoo laabto maalaha soo socda, markaasi oo uu shaqada guda geli doono kadib nasiino.

Muudey oo aad cilqaad dhow la leh Villa Somalia ayaa loo doortay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Gollaha Shacabka bishii Janaayo ee sanadkii 2017-dii, kadib doorasho ay ku loolameen Murashaxiin badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM