Cabdullaahi Cilmi oo ka badbaaday in laga soo tarxiilo Canada

Image

TORONTO, Canada – Kadib codsi uga yimid Qaramada Midoobay, Hay'adda Adeegga Xuduudaha ee Canada ayaa joojisay musaafurinta shaqsi Soomaali ah oo qaxooti ahaan ku galay waddankaasi.

Cabdullaahi Cilmi, 34-sano jir, kaasoo tegay magaaladda Toronto sanadkii 1995-kii kadib dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ayaa wuxuu in muddo ah uu ku noolaa xero qaxooti.

Isaga iyo hooyadii ayaa waxaa magan-galo siisay Canada. Balse markii uu 13-sano jir ahaa, waxaa loo wareejiyay xarun daryeel, halka markii 16-sano jir ahaa in uu ahaa sharci ka baxsad jidadka ku nool.

Cilmi, oo aan wali noqon muwaadin, ayaa dhowaan garka loo geliyay lix bilood oo xabsi ah. Taasi waxay sababtay in mas’uuliyiinta xuduudaha ay dambiyadda uu galay awadeed ugu soo rogaan tarxiil.

Talaadadii lasoo dhaafay ayaa loo musaafurin lahaa Kismaayo, halkaasi oo weerar ay Al-Shabaab ka geystay bishii July uu galaaftay 26 ay kamid tahay wariye Hodan Nalaayeh oo Soomaali-Canadian ah.

Todobaadkan, taageerashaasiisa oo warbaahinta si yaabo kala duwan uga hadlay ayaa ku dooday in mas’uuliyiinta hay’addaha caruurta ay dayaceen Cilmi, sidaasina uu ku waayey muwaadinimada.

Cilmi, oo haatan ku jira xabsi ku yaala magaaladda Edmonton, ayaa waxa uu ka dalbaday Maxkamad heer federal oo halkaasi ku taala in ay joojiso in dalka laga saaro, balse waxaa laga diiday Jimcadii.

Taageereyaashiisa ayaa waxay Hay’addaha Xuquuqda ee Qaramada Midoobay ku tartarsiiyeen in ay is hortaagto in Cilmi laga saaro waddanka Canada.

UNHCR oo isla Jimcadii kasoo jawaabtay soo jeedintaasi ayaa dowladda Canada waydiistay in ay laasho kiiska Cilmi, kaasi oo ay waqtigaasi ku sameyneysay dib-u-geegis balaaran.

Kadib markii la baajiyey musaafurintiisa, hay'addaha u doodayey in Cilmi la tarxiilo ayaa waxay soo dhaweeyeen talaabadaasi, iyaga oo u mahad-celiyay cid kasta oo qayb ka qaadatay.

Hay'addahan ayaa sheegaya in hadii Cilmi loo musaafurin lahaa Soomaaliya ay lamid noqon lahayd isaga oo "lagu xukumay" dil toogasho maadaama aysan cidna uga horeyn, uusan aqoon dhaqanka iyo afka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo Masar u diiday inay ku biirto isbahaysiga difaaca ee cusub

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, Riyadh ayaa sii kordhaysa niyad-jab ay ka qabto dowladda Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi.

  • Caalamka

    14-08-2026

  • 07:42AM

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM