California oo laga sharciyeeyay in bukaanku is dili karo

Image

06 Octobar, 2015(GO)-Gobolka California ee dalka Maraykanka ayaa ku biiray gobolada kale ee ogolaaday in si sharci ah ay dhakhaatiirtu ugu fududayn karaan in nafta laga qaado bukaanka qaba xanuuno aan la dawaynkarin.

Gafernatoore Jerry Brown ayaa saxiixay sharcigaasi Isniintii.

Sharcigan waxaa dhiirigaliyay dhacdo la xiriirta haweenay qabtay xanuun aan la dawayn karin oo ku noolayd California oo aaday Oregon si ay si sharci ah isugu disho.

24 gobol oo dalka Maraykanka ku yaala ayaa sanadkan soo bandhigay sharciga dhigaya in qofka lagu caawiyo in uu dhinto, laakiin midkoodna kama dhaqan galin.

Dhaqdhaqaaqa xaqa uu qofku u leeyahay in uu dhinto ayaa taageero ka helay California kaddib markii Brittany Maynard, oo qabta Kansar kuna noolayd gobolkaas ay u wareegtay Oregon si ay si sharci ah nafta isaga qaado.
Qoyskeeda oo ay ka mid tahay hooyadeed Debbie Ziegler, ayaa sheegay in ay taageersanyihiin sharcigaas cusub.

Xigasho BBC

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM