Canada: booliska oo xirey dad qorsheynayey inay suuq weeraraan

Image

March 4, 2015 (GO)- Booliska gobolka Nova Scotia ee dalka Canada ayaa xirey saddex qof oo lagu soo eedeeyey inay qorsheynayeen weerar bartilmaameedkiisu ahaa goob laga dukaameysto oo aad u mashquul badan (Mall).

Pierre Bourdages oo ah sarkaal ka tirsan booliska Halifax ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in saddexda qof oo midkood haweeney tahay gacanta lagu dhigey kadib markii laga shekiyey inay weerar ku qaadi lahaayeen Mic Mac Mall oo ku yaalla duleedka magaalada.

Sarkaalkaas ayaa sidoo kale sheegay in eedaysaneyaasha xilligan baaritaan lagu wado welina aan la xaqiijin karin in shekiga laga qaaday sax ahaa iyo in kale

Al-shabaab ayaa bishii hore ku gooddidey inay weerari doonto goobo laga dukaameysto oo ku yalla wadamada reer galbeedka.

Goobaha sida gaarka ah loo tilmaamey waxaa kamid ah Mall of America oo ku yaalla gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka; West Edmonton Mall oo ku yaalla Canada iyo Oxford Street oo ku yaalla London.

GAROWE ONLINE + AFP

Related Articles

Netanyahu oo qorsheynaya Dilka Ayatollah Ali Khamenei

Netanyahu wuxuu sheegay in Iran ay rabto “colaad joogto ah” taasoo, sida uu sheegay, keentay in la gaaro xuduudka dagaal nukliyeer ah.

  • Caalamka

    17-06-2025

  • 02:57PM

Iran Oo Weerar Gantaal Ku Qaadday Xarunta Sirdoonka Israel ee Mossad

Muuqaalladii hore ayaa sidoo kale muujinayay gantaal difaac cirka Israa’iil oo ku dhacay Tel Aviv intii ay socotay isweydaarsiga rasaasta.

  • Caalamka

    17-06-2025

  • 11:33AM