Cavid-19: Taliban oo bilowday olole ay ku caawineyso Afghanistan

Image

KABUL, Afghanistan — Falaagadda hubeysan ee Taalibaan ayaa waxay ku dhawaaqdey in ay bilowdey olole ay dadka uga wacyigelineyso ka hortagga faafitaanka fayruska safmareenka ah ee Corona.

Ololaha oo caawinaya dowladda ayaa lagu waramay in ay ka bilowdeen degaanada ay kooxdu maamusho oo ka tirsan Afghanistan.

Dhaqdhaqaaqa ayaa ka dambeeyay markii xubno ka tirsan ururkaas ay qaataan tababar la xiriirta qaabka looga hortago caabuqa, 27-ka bishii Maaj ee sanadkan aynu ku jirno ee 2020—ka.

Qari Khalid Hijran, oo sheegtay in uu yahay agaasimaha waaxda caafimaadka Taalibaan ee gobolka Baghlan, ayaa xusay in dagaalamayaashooda ay u xireen gafuur-xirka [maasakarada].

Shaqaalaha caafimaadka dowladda iyo kuwa hay'addaha ayuu tilmaamay in ay siin doonan aag ammaan ah "si loo badbaadiyo nolosha dadka" uguna soo daabulaan qalabka muhiim ah.

Wasaaradda Caafimaadka Afghanistan ayaa soo dhaweysay talaabadaas, oo ay ku sifeysay mid loo qaadey dhanka badbaadinta nolosha kumaan muwaadiniin xaaladood halis ku jirtay.

Hase ahaatee, Taalibaan ayaa waxay horey u mamnuucday in degaanada ay ka taliso aysan imaan karin howlwadeenada hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO iyo Laan-qeyrta Cas.

Balse, waxay xayiraada ka daciifisay Laan-qeyrta Cas. Markii hore, waxay u cuksatay "ficilo shaki abuuray". Qaramada Midoobay waxay horey ugu baaqdey xabad-joojin caalami ah cudurka awgii.

Kiisaska xanuunka Covid-19 ee laga xaqiijiyey gudaha waddankaas dhaca koonfurta qaaradda Aasiya ayaa kor-u-dhaafeya 400, balse waxaa aad u sareysa cabsida laga qabo in ay intaas ka bataan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM