Cidda loogu aargudayey weerarkii Tooreyda ee London oo la shaaciyey

Image

LONDON, UK – Warbaahinta maxaliga ah ee dalka Ingiriiska ayaa, iyadda oo soo xiganaysa illo wareedyo dhanka ammaanka ah, waxay weerarkii Tooreyda ee Buundada London ku sifeysay fal-argagixiso.

Dhacdadaas oo la xaqiijiyey in lagu dilay laba ruux ayaa waxaa sidoo kale lagu dhaawacay in ka badan shan qof.

Bileyska ayaa waxay tibaaxeen in ay xireen Cusmaan Khan, kaasoo ah 28-sano jir, ka dambeeyay dhacdadaas.

Khan, oo horey loogu helay dambiyo argagixisinimo, ayaa la sheegay in uu qorsheeyay in uu is-qarxiyo.

Warar laga helay mukhaabaraadka Boqortooyada UK ayaa muujiyey in uu taageero u ahaa ururka Al-Qaacidda.

Jaraa'idka afka dheer ee Daily Mail ayaa kasoo xigtay koox khuburo ah in weerarkii Tooreyda uu ugu aar-gudayey dhimashadda Abuubabar Al-Baqdaadi, hogaamiyihii la dilay ee kooxda Daacish.

Cusmaan, oo dalka uu asal ahaan kasoo jeedo aan lasoo bandhigin, ayaa la sheegayaa in uu maalmo kahor kasoo baxay xarun dhaqan-celin, halkaas oo muddo sanado ah uu ku jiray.

"Ficilkiisa waxaa suurtogal ah in uu salka ku hayo in uu u aargudayey Al-Baqdaadi, laakiin baaritaano dheeri ah ayaa loo baahan yahay," ayay hadalkooda raaciyeen kooxda xeel-dheereyaasha ah.

Al-Baqdaadi oo mar noqday qofkii loogu raadinta badnaa aduunka ayaa bishii Octobe Mareykanku shaaciyey in uu ku khaarijiyey howlgal uu ka fuliyey Waqooyi Bari ee dalka colaaduhu la dageen ee Suuriya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM