​Ciidamada Ciraaq oo kaabiga ku haya magaalada Mosul

Image

Ciidamada Ciraaq ayaa lagu soo waramayaa inay ku qarka u saaranyihiin la wareegista magaalada labaad ee ugu wayn waddankaas ee Mosul, kadib dagaal xoog leh oo kala kulmeen mallayshiyada isku magacowday khilaafadda Islaamiga ah ee ISIL.

Wararku, waxay sheegayaan in daafaha magaalada joogaan ciidamada sida gaarka ah u tabobaran iyagoo taageero ka helaya xulafada Maraykanku hogaaminayo oo dusha ka duqaynaya saldhigyada Daacish ee magaaladaas.

Dagaalyahannada ururkaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay ciidanka Ciraaq ku weerarrayaan gantaallada garabka laga gano, hoobiyayaal, hubka fudud iyo gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Goor sii horeysayna, ra'iisul wasaaraha Ciraaq, Xayder Al-Cabaadi, oo ku labisan dareeska ciidankiisa, aa ugu baaqay xooggaga dowladda Islaamiga in ay isa soo dhiibaan ama ay dhintaan.

Asaga oo ka hadlayay saldhig ciidanka cirka ah oo ku yaalla waqooyiga Ciraaq, ayaa Mr Al-Cabaadi waxa uu sheegay in duulaanka ay horkacayaan ciidanka dalkiisa uu dhinac waliba uga wahajan yahay Mosul, isla markaana madaxa looga jari doono wax uu ku tilmaamay maska.

Dagalkan, ayaa bilowday dabayaaqadii bishii hore, waxaana Mosul isaga qaxay shacabkii halkaas ku dhaqnaa marka laga yimaado tiro yar oo khasab ku haystaan mallayshiyada Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM