Ciidamada Israa'iil oo labo Falastiiniyiin ah ku dilay Daanta Galbeed

Image

RAMMALH - Ciidamada Yahuuda ayaa toogasho ku dilay labo qof uu u dhalatay Falastiin kuwaasi oo isku dayey in ay gaari ku jiiraan askarta, sida laga soo xigtay milatariga Israa’iil.

Falkaan ayaa Isniintii lasoo dhaafay ka dhacay magaaladda Ramallah ee dhulka ay xooga ku haysato Yahuuda ee Daanta Galbeed.

Ciidamada ayaa sheegay in shaqsi kala oo reer Falastiin ah uu daawacmay markii xoogaga Yahuuda ay rasaas ku fureen Falastiiyiinta, kuwaasi isku dayey in ay u baxsadeen Waqooyi-Galbeed ee magaaladaasi.

Sida ku cad war-saxaafadeedka, hal askari ayaa si halis ah u waxyeeloobay, halka mid kale uu dhaawac sahlan kasoo gaaray weerarkaasi oo laga soo tabiyey degmadda Kufr Nima ee Waqooyi-Galbeed ee magaalada Ramallah.

Wasaarada caafimaadka ee Falastiyiinta wali kama aysan hadlin sheegashada Israa’iil iyo dhimashada lasoo wariyay.

Dadka degaanka ayaa tilmaamay in isku dhaca uu u-dhaxeeya dhalinyaro reer Falastiin ah iyo ciidamada, kuwaasoo adeegsaday rasaas nool-nool leh iyo suntan dadka ilmeysiisa, intii ay socotay shaqaaqada.

Illaa iyo haatan ma cadda waxa keenay isku dhaca inkasta oo ay jirto xiisada u dhaxeysa Yahuuda iyo Falastiiyiin taasoo ku aadan in Israa’iil ay dooneyso in ay xoog ku qabsato dhulka barakeysan ee Falastiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM