Ciidamada Israel oo weeraray Gaza

Image

Milatariga Israel ayaa xalay duqeymo la beegsaday Marinka Gaza, ayaga oo sheegay inay ka jawaabayeen boqolaal gantaal oo Israel looga soo tuuray Gaza.

Ciidamada difaaca Israel ayaa maanta sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay beegsadeen bartilmaameedyada kooxaha Xamas iyo Islamic Jihad ee Gaza, islamarkaana “Xamas ay qaadi doonto cawaaqibka ficilladeeda:

Kooxaha caafimaadka Israel ayaa sheegay in hal qof lagu dilay gantaallo is-daba joog ahaa oo billowday galabkii Isniinta.

Ciidamada milatariga Israel ayaa sheegay in tirada gantaallada ee Israel looga soo tuuray Gaza ay yihiin 370, kuwaasi oo boqol ka mid ah uu qabtay habka difaaca gantaallada Israel ee Iron Dome.

Dhinaca Falastiin, saraakiisha ayaa sheegay in duqeymaha Israel lagu dilay saddex qof, oo ay ku jiraan laba mintidiin ah, islamarkaaana sagaal kale lagu dhaawacay.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale burburiyey dhismaha taleefishinka Al-Aqa ee Xamas. Shaqaalaha Taleefishinka ayaa ka baxay dhismaha ka hor weerarka, kadib digniinta ciidamada Israel.

VOA 

Related Articles

Mareykanka oo marin qarsoodi ah ka sameystay Hormuz si maraakiibta shidaalku u gudbaan

Sida ay Axios u sheegeen saraakiil Mareykan ah, ciidamada Mareykanka ayaa sameeyey…

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 11:18PM

Mike Huckabee: “Haddii Yuhuuddu doonayaan inay dunida qabsadaan, waa inaan furayaasha u dhiibno”

Hadallada ku saabsan “Yuhuudda oo dunida qabsanaysa” ayaa muddo dheer lala xiriiriyay aragtiyo shirqool oo ka dhan ah Yuhuudda.

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 01:20PM