​Ciidamada Siiriya oo Daacish kala wareegay Palmyra

Image

Ciidamada waddanka Suuriya oo gacan ka helay diyaaradaha dagaalka ee dalka Ruushka ayaa gacanta ku dhigay magaalada qadiimiga ah ee Palmyra taasi oo gacanta ugu jirtay mallayshiyaad katirsan ururka Daacish.

Telefishinta xukuumadda Bashaar al-Asad ayaa baahiyay inay gacan ku haynta magalada la wareegeen ciidankoodu, wuxuuna intaasi raaciyay in xaaladdu dagantahay.

Xarun u dooda xuquuqda aadanaha oo laga leeyahay dalka Britain balse fadhigiisu yahay Siiriya ayaa shaaciyay in saakadii hore la maqlayay rasaas xooggan waxayna sheegeen inay macquul tahay dhibaatooyin loo gaystay dad shacab ah.

Palmyra, ayaa ahayd wixii ka horeeyay 2011 magaaloo losoo dalxiis tago maadama ay ku yaalleen dhismayaal qadiimi ah, laakiin waxaa xarumahaasi bur-buriyay kooxda Daacish mudadii ay gacanta ku haysan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM