Ciidanka Israel oo Falastiiniyiin ku dilay Daanta Galbeed

Image
Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin, 10 qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay rasaasta.

TEL AVIV, Israel – Askarta Israa’iil ayaa toogasho ku dilay 17 jir Falastiini ah intii uu socday iska horimaad ka dhacay meel u dhow magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka falastiiniyiinta iyo wakaaladda wararka ee Wafa.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in Mohammed Abu Salah lagu dilay tuulada Silat al-Harithiya xilli ay ciidamada Israel soo gaareen maalin ka hor si ay u dumiyaan guriga Muhammad Jaradat, oo ah nin lagu eedeeyay in uu sanad ka hor dilay sarkaal Israel u dhashay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in askarta iyo dabley falastiiniyiin ah ay rasaas is weydaarsadeen.

Ciidanka ayaa sheegay in "banaanbaxyo rabshado wata" ay dhaceen ka hor inta aan la qorsheyn burburinta, "oo ay ka qayb qaadanayaan boqolaal Falastiiniyiin ah," oo qaarkood ay ku tuureen walxaha qarxa ciidamada Israel.

"Ciidanku waxay aqoonsadeen tiro rabshado ah oo hubaysan, waxayna rasaas u fureen xaggooda si ay ugu hortagaan khatarta," ayaa lagu yiri bayaanka ciidanku soo saareen iyadoo aan si toos ah uga hadlin dhimashada wiilka.

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin, 10 qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay rasaasta.

Jaradat ayaa lagu soo oogay dacwad ah in uu dilay nin Israa’iili ah kadib markii uu rasaas ku furay gaari uu saarnaa meel u dhow fariisinka Yuhuuda ee Homesh 16-kii December.

Israa'iil waxay sheegtay in burburinta lagu sameeyo guryaha weeraryahannada ay gacan ka geysan karto ka hortagga weerarrada mustaqbalka.

Kooxaha xuquuqda Insaanka ayaa dhaleeceeyay xeeladda, taas oo inta badan lagu bartilmaameedsado guryaha ay xubnaha kale ee qoyska sidoo kale ku nool yihiin, sida ciqaab wadareed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan oo ku heshiiyay in ay si wadajir ah isaga difaacaan weerar kasta

Sidoo kale, heshiisku wuxuu dhigaya in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarrada ciidamada.

  • Caalamka

    07-08-2026

  • 12:14PM

Trump: In dagaalka Iran sii socdo waxaan ka doorbidayaa heshiis

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Iran ay la soo xiriireen maamulkiisa ayna dalbadeen in la wada hadlo.

  • Caalamka

    06-08-2026

  • 07:11AM