​Ciraaq: Dagaal kasocda magaalada Faluuja

Image

Dagaal xooggan, ayaa kasocda magaalada Faluuja oo qiyaastii 50KM u jirta caasumadda waddanka Ciraaq ee Baqdaad, waxaana ku dagaallamay ciidamada dowladda oo taageero ka helaya xulafada uu hogaamiyo Maraykanku.

Ciidamada Ciraaq ayaa dhanka Koonfureed ee magalada ka billaabay weerarka ka dhanka ah kooxda isugu yeertay khilaafada Islaamka, waxaana wararku sheegayaan inay la kulmeen iska caabin xooggan.

Balse qaybo kamid ah maglaada ayay gudaha u galeen ciidamadu, waxaana lagusoo waramayaa in dad aad u badan ku xannibanyihiin waddooyin magaladaasi, iyadoo dad kasoo qaxay ay sheegayaan inay ka jirto xaalad adag oo isugu jirta biyo la'aan, gaajo iyo koronto la'aan.

Saraakiisha amniga dalkaasi ayaa guulo waaweyn ka sheegayana dagaalka Faluuja, waxana shacabka u sheegeen inay goordhaw gacanta dowladda kusoo celin doonaan magaladan oo muhiim u ah xukuumadda Ciraaq.

Dagaalkan, ayaa qayb ka ah olole lagu doonayo in kooxda Daacish looga sifeeyo goobaha ay kaga suganyihiin dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza

Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:39AM

Iran oo afar maalmood hakisay xarun koronto oo Britain ku taalla kadib weerar dhanka internet-ka ah

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay dhacday xilli weerarro kale oo dhanka internetka ah lagu qaaday kaabayaasha biyaha ee Mareykanka.

  • Caalamka

    23-08-2026

  • 05:41AM