Codaynta doroashada Maraykanka oo socota

Image

WASHINTONG, USA- Dad ku dhaqan dalka Maraykanka, ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta si ugu codeeyaan murashaxiinta labada ah ee ka kala socda Xisbiyada dalkaas ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga.

Tuulada lagu magacaabo Dixville Notch oo ku taal gobalka New Hamshire, ayay ka bilaabatay cod-bixintu, waxaana dhiibtay 8 qof oo halkaas ka diinwaangashan.

Goobtaas ayaa caado ah in doorashada laga bilaabo, waxaana 4 ka mid ah u codaysay Hillary Clinton, 2 kalena waxay siiyeen codkooda Trump, hal qofna labadaasba uma codayna, ruux Sideedaadna, waxaa la sheegay inuu maqnaa.

Ololaha doorashada madaxtinimada Maraykanka ee 2016 ayaa soo geba gaboobay. Labada musharrax ee kala ah Hillary Clinton iyo Donald Trump ayaa isu soo baxoodii ugu dambeeyay sameeyay saacadihii hore ee maanta oo ay doorashadu dhacayso.

Donald Trump ayaa u sheegay taageerayaashiisa in uu usoo bandhigayo fursad taariikhi ah oo uu ku bedelayo siyaasada Maraykanka, isla markaana uu kusoo celinayo daacadnimada dowladda dalkaasi.

Hillary Clinton ayaa waxyar ku horeysa ra'yi ururin laga qaaday qeyb ka mid ah codbixiyayaasha dalkaasi, waxaana ay sheegtay in Maraykanka uu hadda u baahan yahay isu soo dhaweyn, balse aanu rabin gidaaro lagu kala qeybiyo.

Gobollada iyo dagmooyinka kale ee waddankaas, ayaa goordhow la furi doonaa goobaha cod-bixinta inkastoo qaybo badan hadda furanyihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo afar maalmood hakisay xarun koronto oo Britain ku taalla kadib weerar dhanka internet-ka ah

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay dhacday xilli weerarro kale oo dhanka internetka ah lagu qaaday kaabayaasha biyaha ee Mareykanka.

  • Caalamka

    23-08-2026

  • 05:41AM

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM