Corona oo galay qasriga boqortooyada UK, dhaxal-suge laga helay cudurka

Image

LONDON, UK - Amiirka Wales oo baaritaan culus maray ayaa waxaa lagu ogaaday in uu soo ritay xanuunka Coronavirus, sidda lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Clarence.

Amiir Charles, oo 71 sano jir ah, waxaa lagu arkay calaamado COVID-19 ah oo iska yara fudud "balse xaaladdiisa caafimaad way wanaagsan tahay," ayuu yiri afhayeen u hadlay.

Xaaskiisa oo 72 sano jir ah ayaa sidoo kale la baaray, hase ahaatee nasiib wanaag, sidda ku cad bayaanka, waa laga waayey cudurkaas. Wales waa dhaxal-sugaha boqortooyada.

Aqalka Clarence ayaa xusay in Charles iyo Camilla ay hadda is karantiileen Gurigooda Balmoral. Waxaa intaa lagu daray in Amiirka uu ku sugnaa guriga maalmihii lasoo dhaafay.

Warka qoraalka ah waxaa lagu yiri: "Iyadoo la raacayo talada dowladda iyo adeegyada caafimaadka, Amiirka iyo xaaskiisa waxay baaqi kusii ahaan doonan gurigooda ku yaalla Scotland".

"Ma cadda weli qofka uu Amiirka ka qaaday fayraska iyadoo ay jirto in uu shaqo culus oo la xiriirta doorkiisa uu qaaday isbuucyadii la soo dhaafay," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in caabuqaas dilaaga ah uu haatan si rasmi ah u galay Qasriga Boqortooyadda UK, iyaddoo falanqeeyeyaasha ay tibaaxeen in la filan karo kiisas kale oo horleh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM