Coronavirus oo baajiyey xaflado meher oo lagu casuumay boqorada UK

Image

LONDON, UK – Boqorada dalka Ingiriiska, Elizabeth II, ayaa baajisay safar ay ku tagi lahayd Cheshire iyo Camden, sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xarunta Boqortooyadda UK ee Buckingham Palace.

Sababta keentay dib-u-dhac socdaalka ayaa lagu sheegay "feejignaan dheeraad ah" oo ku saabsan ka hortaga faafitaanka caabuqa Coronavirus.

Go'aanka hakinta booqashada waxaa la tilmaamay in la qaatay kadib talooyin la waydiiyey saraakiisha caafimaadka dowladda iyo kuwa xarunta.

Bayaanka ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in sidoo kale dib-u-eegis lagu sameyn doono munaasabadaha kale ee lagu casuumaday boqorada.

"Sidda caadada ahayd, daawadayaasha waa lagu soo war-gelin doono waqtiga isbedelka oo ku saleysan hadba sidda ay xaalada faafinta cudurka ay noqoto," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

Elizabeth II ayaa qorshuhu ahaa in ay ka qeybgasho munaasabado nikaax ah ama faraanti-geliska lamaaneyaal kala duwan oo ka dhici lahaa Cheshire iyo Camden, kuwaasoo hadda baaqdey.

Ingiriiska ayaa kamid ah dalalka Yurub ee sidda ba'an uu u saameeyay xanuunkaas dilaaga ah. Sidda ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Aduunka WHO, qaaradan waa tan kaliya ee si xoogan uu ugu faafay Coronavirus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaalka Bariga Dhexe oo cirka isku shareeray markii Mareykanka ku biiray - Warbixn

Iran ayaa sheegtay in ay tirada dhimashada ee dalkaasi ka dhacday ay kor u dhaaftay 430 qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 3,500.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 05:49AM

Sababta Mareykanka u Weeraray Iran iyo Ajandaha Ka Dambeeya

Arrintan ayaa horseedaysa xaalad cakiran oo gobolka ah, iyadoo wadamada caalamka ay ku baaqayaan in la helo wadahadal iyo xal nabadeed.

  • Caalamka

    22-06-2025

  • 11:57AM