Coronavirus oo haleelay Trump iyo marwada koowaad ee Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Jimcada manata ah shaaciyey in isaga iyo mar-xalada koowaad Melania Trump laga helay safmarka Covid-19 markii qof ku dhow uu soo ritay xanuunkan faafa.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu ku tibaaxay in ay geli doonan karantiil si ay deg-deg uga soo kabtaan fayruska.

Ku dhawaaqida ayaa timid saacado kadib markii Hope Hicks, mid kamid ah lataliyeyaasha aadka ugu dhow Turmp, laga helay Coronavirus.

"Madaxweynaha iyo marwada koowaad waqti xaadirkan waa kuwa wanaagsan, waxaana ay qorsheynayaan in ay ku negaadan hoygooda ku dhexyaala Aqalka Cad, iyagoo karantiil gelaya," Sean Conley, dhakhtar ka tirsan Hoyga looga arimiyo waddanka Mareykanka, ayaa sidaas ku sheegay war-saxaafadeed.

Warkaan ayaa soo shaac-baxaya iyaddoo Mareykanka u diyaar-garoobayo doorashadda loo madalsan yahay in ay dad coddeeyeen 3-da November.

Trump ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay wuxuu ka qeybgalayey isu soo baxyo siyaasadeed kuwaasoo uu kula hadlayey taageereyaashiisa.

Xaalada cusub ee lasoo gudboonaatay waxay ka dhigan tahay in uu baajin doono isu soo baxyo kale oo qorsheysanaa si lamid ah doodo kale oo horleh.

Donald Trump ayaa hogaaminayey qaar kamid ah madaxda caalamka ee aadka u dhayal-saday khatarta Coronavirus, waxaana ay fagaareyaasha kasoo muuqan jireen iyagoo aan waddan af-saabka oo kamida qaabka looga hortago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM