Coronavirus: Wasiir amar uu soo rogay ku waayey xilkiisa

Image

BUCHAREST, Romania – Wasiirka caafimaadka Romania, Victor Costache, ayaa is-casilay maalin kadib markii uu telefishinka dowlada ka sheegay in qof walba oo ku nool caasimada Bucharest laga baarayo Coronavirus.

Kooxo dadka ugu tegaya guryahooda ayuu shaaciyey in la sameeyay si ay u fuliyaan go'aankaas oo dood xoogan dhaliyey.

Ra'iisul wasaare Ludovic Orban oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa sheegay in uu ka qoomameynayo is-casilaadaas. "Waan fahmayaa, waana kuu mahadcelinayaa wasiir," ayuu raaciyey.

Sidda ay ku warantay saxaafada maxaliga ah, Costache waxaa in uu xafiiska baneeyo ka codsaday Orban kadib war-saxaafadeedkiisii Arbacada.

Go'aanka wasiirka haatan xafiiska baneeyay wuxuu kusoo aaday xili dalkaas ay ka jirto gaabis dhanka agabka la dagaalanka cudurka ah.

Intaas waxaa wehlisa, in ay yar yihiin Isbitaalada, talaabadaas oo xukuumadda iyo wasiirkaba ay ku muteysteen dhaliilo kaga yimid dadka.

Bucharest waxaa ku nool in ka badan laba bilyan oo ruux, iyaddoo guud ahaan wadanka uu awooday in uu baaro laba kun, maalin walba, taas oo adkeysay fursad ah in la wada hubiyo bulshadda magaala madaxda.

Dowlada oo soo rogtay xayiraadyo adag si looga hortago xanuunka ayaa mamnuucday dhaqdhaqaaqa maalintii, hadii aysan jirin baahi laga maarmaan ah. In ka badan shan kun oo jebiyey amarka waa la ganaaxay.

Laga bilaabo galabnimada Khamiista maanta ah, Romania waxay xaqiijisay 1,029 kiis oo COVID—19 ah. Illaa iyo hataan, waxaa u geeriyootay 11 muwaadin oo dhamaantooda la tilmaamay in ay cudurka dibada kasoo qaadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM