Covid-19 oo soo ritay nus-milyan qof xili ay korortay tirada geerida

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Coronavirus ayaa soo ritay in ka badan nus-milyan qof oo ku nool guud ahaan caalamka, sidda ay shaacisay Jaamacadda Johns Hopkins ee ku taala dalka Mareykanka.

Sidda ku xusan macluumaad ay baahisay Jaamacadda, taasoo ay xigatay warbaahinta caalamka, dadka illaa iyo haatan laga helay cudurka ee ku nool dunida oo idil waa 531,000.

Xog-uruurinta ayaa muujisay in dadka u geeriyooday caabuqa oo aad u korodhay ay ka badan tahay 24,000 [afar iyo labaatan kun].

Kaliya waddanka Shiinaha ayaa waxaa laga diiwaan-geliyey in ka badan 81,700, halka Talyaaniga uu marayo 80,500.

In ka badan 122,000 ayaa waxay ka bog-sootay fayruskaas. Kaliya gudaha Mareykanka, waxaa ugu dhimatay 1,288.

Talyaaniga waa waddanka ugu badan ee dad ay ugu dhinteen cudurkaas. Illaa iyo haatan, waxaa la liis-gareeyay 8,200.

Sikastaba ha ahaatee, iyaddoo aysan muuqan ifafaalo lagula tacaali karo cudurka, Qaramada Midoobay oo ku baaqay in si wadajir ah loola dagaalamo jirada ayaa dalbatay maal-gelin "loo dhan yahay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM