​Cruz oo Xushay Madaxweyne Kuxigeenkiisa

Image

Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga Ted Cruz, ayaa goor hore isagoon xilkaasi helin shaaciyay cidda u noqonaysa madaxweyne ku-xigeen, wuxuu jagaadaasi u boqraday haweenay horay tartanka madaxtinimada waddankaasi ka qayb gashay.

Cruz, ayaa tilmaamay in qofka ku-xiga uu noqon doono haweynayda lagu magacaabo Carly Fiorina oo madax u soo noqotay shirkadda computer-ada ee Hewlett Packard, ka hor intii aan xilkaasi aanay ka qaadin guddiga maamullayay shirkadaasi.

Fiorina, oo xibigan hogaankiisa isu soo sharaxday doorashadii hore ayaa ka hartay tartanka kadib markii ay weyday taageerayaal uga codeeya gobollada dalka Maraykanka.

Weli makala cadaan cidda Xisbiga uga qayb gali doonta wareega labadaad, balse waxaa ugu cad cad ninka lagu magacaabo Donald Trump.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM