Cumaan oo hogaamiye cusub yeelatay kadib geerida Suldaan Qabuus

Image

MUSCAT, Cumaan – Suldaan Qabuus bin Saciid oo 50-sano hayey taladda Cumaan ayaa ku geeriyooday 79-jir, sidda ay baahisay warbaahinta Dowladda.

Qabuus oo ahaa hogaamiyihii ugu waqtiga dheeraa madaxda dalalka Carabta ayaa xafiiska joogay tan iyo sanadkii 1970.

Xaqiiqooyinka layaabka leh ee diiwaanka u galay ayaa ah in uusan waligii guursan iyo in uu xukunka ka afgembiyey Aabihii

Sidoo kale, wuxuu soo dhaweeyay xiriir ay Cumaan la yeelato Yahuuda, talaabadaas oo qayb ka ahayd "casriyeynta xiriirka dibadda".

Wakaaladda wararka Reuters ayaa ku warantay in Golaha Milatariga ee ugu sareeya dalkaas uu shir degdeg ah ka yeeshay hogaamiyaha cusub.

Kadib wada-xaajoodyo muddo badan qaatay, saxaafadda ayaa ku warameysa in laysku raacay in Suldaanka cusub uu noqdo Haitham bin Tariq al Said.

Sikastaba ha ahaatee, Al Saciid oo kamid ah qaraabadda Qabuus ayaa soo noqday Wasiirka Hiddaha iyo Dhaqanka ee Boqortooyadda Carbeed ee Cumaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM