​Cuna-qabatayn la Saarayo Kuuriyada Waqooyi

Image
Image

Golaha Ammaanka Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ayaa cambaarayn dusha uga tuuray dowladda Waqooyiga Kuuriya kadib markii ay shalay cirka u gantay gantaalada riddada dheer. 

Qoraal kasoo baxay xafiiska Golahaas, kaddib kullan degdeg ah oo ka dhacay New York, ayaa lagu sheegay in cuna-qabatayn dhaqso loo soo rogi doono dusha laga saarayo Waqooyiga Kuuriya. 

Xukuumadda Pyongyang, ayaa lagu eedeeyay inay wado halis iyo qalalaaso gobolka ka dhaca, balse dowladda Waqooyiga Kuuriya, ayaa sheegtay inay tijabada gantaalladan qeyb ka tahay barnaamijkeeda hawada.

Safiirka Kuuriyada Koofureed ee UN, Oh Joon, ayaa tilmaamay in la joogo xilli golaha amniga uu meel marin lahaa go’aan adag oo ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi. 

Dhanka kale, wakiilka Japan u fadhiya UN, Motohide Yoshikawa, waxa uu dhankiisa tilmaamay in ay waajib tahay in la badalo xiriirka lala wadaago Kuuriyada Waqooyi. 

Arrintan ayaa timi kadib markii Kuuriyada Waqooyi Gandaal kamid ah kuwa ridada dheer u gantay cirka, taasoo keentay inay dhaleeceeyaan qaar kamid ah waddamada dariska ah iyo kuwa beesha calamka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Riyaalka Iran oo Qiimo-dhac Taariikhi ah Wajahaya, $1 oo Dhaafay 2 Milyan oo Riyaal

Riyaalka ayaa Isniintii ku dhacay qiyaastii 2.02 milyan oo Riyaal halkii doollar, sida lagu sheegay xogta suuqa lacagaha aan rasmiga ahayn.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 01:02PM

Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza

Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:39AM