Canug gaajeysan oo wacay booliska oo la kulmay falcelin dhif ah

Image

FLORIDA, US – Wiil aad u yar oo reer Florida ah ayaa wuxuu wacay taliska ciidanka booliska markii ay qabatay Gaajo aad u daran, wuxuuse ka helay faa'iido badan.

Manuel Beshara oo Jimcadii garaacay 911 si uu baahidiisa u muujiyo ayaa loo keenay Biiso weyn [pizza], sidda uu bileyska maxaliga ah ku shaaciyey Facebook-ga.

Shan sano jirkaan ayaa sidda ka muuqata sawirro laga soo qaadey waxa uu ahaa mid aad ugu faraxsan falcelinta dhifka iyo naadirka ah ee uu la kulmay.

Saraakiisha ayaa cunadda waxay ugu geeyay hoygiisa, halkaasoo ay ku wehlisay walaashiisa 15-sano jirta ah, taasoo ku an-fariirtay sheekadan.

Gabadha ayaa waxay sheegtay in iyadda oo aanan ogeyn uu wicitaanka sameeyay Inanka, sharaxaadaasi oo ay ku qanceen bileyska.

Xoogaga dowladda ayaa xusay in cunuga uu u sheegay ujeedada uu u adeegsaday 911, kahor intaan lagu armin in ay u geeyaan Biisaha aadka u weyn.

Ugu dambeyntii, Waaxda booliska is-maamul goboleedka Florida ee waddanka Mareykanka, ayaa dadweynaha uga digay in aysan u ku dhaqaaqin falalka noocaan ah.

"Ha u soo wicin booliska in uu wax kuu keeno," ayaa lagu yiri qoraal kooban oo u muuqda mid digniin ah oo barta xiriirka bulshadda ee ciidamada lasoo dhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo Masar u diiday inay ku biirto isbahaysiga difaaca ee cusub

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, Riyadh ayaa sii kordhaysa niyad-jab ay ka qabto dowladda Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi.

  • Caalamka

    14-08-2026

  • 07:42AM

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM