Daadad 23 qof ku dilay Gobolka West Virginia

Image

Gudoomiyaha gobolka West Virginia ee dalkan Mareykanka ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo ay galeen 44 degaan oo ka mid ah gobolka ka dib markii ay ku dhufteen daadkii ugu xumaa ee gobolka ka dhaca muddo boqol sanadood ah.

Daadadkan ayaa ilaa iyo hadda waxaa ku dhintay 23 qof.

Guddoomiye, Earl Ray Tomblin, ayaa sheegay in qasaaraha ay fatahaaduhu geysteen ay aad u balaaranyihiin, burbur baaxad lehna ay geysteen, isagoo intaa ku daray in haatan ay xoogga saarayaan howlaha gurmadka ee samata bixinta iyo baadi doonka dad ay suuragal tahay indaadadku la tageen ama ay go’doomiyeen.

Roob dhulka hoostiisa biyageliyay ilaa iyo 25 centimeter ayaa gobolka ku dhuftay qamiistii, kaasoo sababay in wabiyada gobolka mara iyo marin biyoodyo ay karkaarada jabsadaan, gaar ahaan dhinaca koonfur galbeed iyo bartamaha gobolka.

Mid ka mid ah saraakiisha booliska oo ku sugnaa mid ka mid ah magaalooyinka ay daadadku ku dhufteen ayaa isagoo sharaxaya wixii u muuqday yiri” Waxaan nagu haraareysay xaalad gebi ahaan Jaha wareer ah.

"Wadooyinkii wey burbureen, buundooyin ayey biyuhu la tageen, guryo ayaa aas aaskoodi biyuhu siibeen, meelo badan oo wadooyin waaweyn ah ayaa biyuhu la tageen oo buholo isu bedelay, marshibeeydiyadii ayaa sida mooskii u fiiqmay, ayuu yiri,

Sarkaalka booliska ee deegaankaGreenbriar, Jan Cahill.

Kumanaan kun oo qof ayaa korantadu ka maqantahay, boqolaalna guryahooda ayey ku dhex go’doonsanyihiin, qaar ayaa ka bixi waayay dukaamo ay wax ka iibsanayeen ka dib markii buundo ay kaga bixi lahaayeen ay biyuhu la tageen.

Dadka qaarkood ayaa la arkayay iyagoo saaran saqafyada guryahooda.

VOA

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM