Daadad 23 qof ku dilay Gobolka West Virginia

Image

Gudoomiyaha gobolka West Virginia ee dalkan Mareykanka ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo ay galeen 44 degaan oo ka mid ah gobolka ka dib markii ay ku dhufteen daadkii ugu xumaa ee gobolka ka dhaca muddo boqol sanadood ah.

Daadadkan ayaa ilaa iyo hadda waxaa ku dhintay 23 qof.

Guddoomiye, Earl Ray Tomblin, ayaa sheegay in qasaaraha ay fatahaaduhu geysteen ay aad u balaaranyihiin, burbur baaxad lehna ay geysteen, isagoo intaa ku daray in haatan ay xoogga saarayaan howlaha gurmadka ee samata bixinta iyo baadi doonka dad ay suuragal tahay indaadadku la tageen ama ay go’doomiyeen.

Roob dhulka hoostiisa biyageliyay ilaa iyo 25 centimeter ayaa gobolka ku dhuftay qamiistii, kaasoo sababay in wabiyada gobolka mara iyo marin biyoodyo ay karkaarada jabsadaan, gaar ahaan dhinaca koonfur galbeed iyo bartamaha gobolka.

Mid ka mid ah saraakiisha booliska oo ku sugnaa mid ka mid ah magaalooyinka ay daadadku ku dhufteen ayaa isagoo sharaxaya wixii u muuqday yiri” Waxaan nagu haraareysay xaalad gebi ahaan Jaha wareer ah.

"Wadooyinkii wey burbureen, buundooyin ayey biyuhu la tageen, guryo ayaa aas aaskoodi biyuhu siibeen, meelo badan oo wadooyin waaweyn ah ayaa biyuhu la tageen oo buholo isu bedelay, marshibeeydiyadii ayaa sida mooskii u fiiqmay, ayuu yiri,

Sarkaalka booliska ee deegaankaGreenbriar, Jan Cahill.

Kumanaan kun oo qof ayaa korantadu ka maqantahay, boqolaalna guryahooda ayey ku dhex go’doonsanyihiin, qaar ayaa ka bixi waayay dukaamo ay wax ka iibsanayeen ka dib markii buundo ay kaga bixi lahaayeen ay biyuhu la tageen.

Dadka qaarkood ayaa la arkayay iyagoo saaran saqafyada guryahooda.

VOA

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM