Dabley hubeysan oo Lix qof ku dishey Woqooyiga dalka Kenya

Image

MANDHERA, KENYA- Koox lagu tuhunsan yahay iney ka tirsan tahay ururka Al shabaab ayaa diley Lix qof kadib markii rasaas ku fureen labo Bus oo ku safrayey degaanka Mandheere Woqooyiga dalka Kenya, sidaas waxaa saxaafada u sheegey sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya.

Weerarkaan ayaa yimid maalin kadib markii dowlada Mareykanka muwaadiniinteeda uga digtey iney safar ku taagan magaalooyinka xuduudka la leh dalka Somaliya sida Mandera, Wajir, Garisa, Tana River. Lamu iyo xaafada Nairobi ku taal Eastleigh. 

Dad ayaa ku dhaawacmey sidoo kale weerarkaan lagu qaadey xeyn bus ah oo wada socotey maanta kuwasoo ku wajahnaa magaalada Mandheera abaarahii 10:00 am, sidaas waxaa yiri Maxamad Siciid oo ah xiriiriyaha amniga ee gobolkaas. Buses_kan ayaa waxaa saarnaa rakaab gaaraya 90 qof kuwasoo ka tagey magaalada Niarobi xarunta dalka Kenya.

Asbucii la soo dhaafey 5 ka tirsan ciidamada Boolsika Kenya ayaa lagu diley goob aan ka fogeyn halka toogashadaan maanta ka dhacdey taasoo lagu eedeeyey kooxda al shabaab.

Kooxda Al shabaab ayaa ku dhaaratey in ay dagaal la gali doonto wadanka Kenya kadib markii gudaha dalka Somaliya weerar ay ku qaadeen 2011 magaalada Kismayo oo xarun dhaqaale farabadan kasoo galo kooxdaan u aheyd laga baacsadey. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM