Dad badan ugu dhintay India khamri sumeysan oo ay cabeen

Image

NEW DELHI, India - Ku dhowaad 100 qof ayaa ku geeryootay ismaamul goboleedka Assam gaar ahaan degmada Golaghat ee India kadib markii ay cabeen khamri sumeysan, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

Saraakiisha caafimaad ayaa u sheegay warbaahinta in isbitaalada la dhigay in ka badan 300 ruux oo la ildaray khamriga ay cabeen, waxaana ku jira dadkaasi qaar ay liidato xaaladooda caafimaad.

"Tan iyo ilaa iyo Khamiistii waxaanu xaqiijinay dhimashada 50 ruux, laakiinse waxaa soo baxday tiro kale oo intaasi ka badan, wayna kasii badan kartaa," ayuu yiri Dhiren Hazarika, gudoomiye ku xigeenka degmada.

Dadka dhintay waxaa kamid ah wiil iyo hooyadiisa kuwaasi oo isbitaal loola caray si loo badbaadiyo, hasa yeeshee nasiib daro geeryooday.

Laamaha amaanka halkaasi ayaa amar ku bixiyay in baaris lagu sameeyo waxa dhaliyay in dadkaan ay cabaan khamriga sumeysan.

Inta badan dadka dhintay waa shaqaale beera caleenta shaaxa, inkasta oo ay ku jiraan tirro yar oo dad caadi ah.

Masiibadaan ayaa imaaneysa wax ka yar labo isbuuc kadib markii 100 qof ay ku dhimatay magaalooyinka Uttar Pradesh iyo Uttarakhand markii ay cabeen khamri qaab suuq madow lagu sameeyay oo India looga yaqaano "hooch".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM