Dad badan ugu dhintay India khamri sumeysan oo ay cabeen

Image

NEW DELHI, India - Ku dhowaad 100 qof ayaa ku geeryootay ismaamul goboleedka Assam gaar ahaan degmada Golaghat ee India kadib markii ay cabeen khamri sumeysan, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

Saraakiisha caafimaad ayaa u sheegay warbaahinta in isbitaalada la dhigay in ka badan 300 ruux oo la ildaray khamriga ay cabeen, waxaana ku jira dadkaasi qaar ay liidato xaaladooda caafimaad.

"Tan iyo ilaa iyo Khamiistii waxaanu xaqiijinay dhimashada 50 ruux, laakiinse waxaa soo baxday tiro kale oo intaasi ka badan, wayna kasii badan kartaa," ayuu yiri Dhiren Hazarika, gudoomiye ku xigeenka degmada.

Dadka dhintay waxaa kamid ah wiil iyo hooyadiisa kuwaasi oo isbitaal loola caray si loo badbaadiyo, hasa yeeshee nasiib daro geeryooday.

Laamaha amaanka halkaasi ayaa amar ku bixiyay in baaris lagu sameeyo waxa dhaliyay in dadkaan ay cabaan khamriga sumeysan.

Inta badan dadka dhintay waa shaqaale beera caleenta shaaxa, inkasta oo ay ku jiraan tirro yar oo dad caadi ah.

Masiibadaan ayaa imaaneysa wax ka yar labo isbuuc kadib markii 100 qof ay ku dhimatay magaalooyinka Uttar Pradesh iyo Uttarakhand markii ay cabeen khamri qaab suuq madow lagu sameeyay oo India looga yaqaano "hooch".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM